SOOMAALI (Somali)
Ma waxaad raadinaysaa macluumaad afkaaga ku qoran oo la xidhiidha waxbarashada iyo dugsiyada Ontario? Waan kaa gargaari karnaa, qaybtan waxaad ku arki doontaa khayraadka aan ku bixino Af-Soomaaliga. Dhammaan boggan internetku ma wada aha afaf badan. Haddii aad halkan ka weydo jawaabta su’aashaada, fadlan iimayl soo dir dabeedna tabaruce ayaa kuugu soo jawaabi afkaaga.
Sidee ayey u shaqaysaa wasxbarashadu?
Miyaad u bahantahay macluumaad si aad uga gargaarto ilmahaaga inuu ku guulaysto dugsiga? Waan ku caawin karnaa. Anaguba waaldiin ayaanu nahay – waad isku kaayo hallayn kartaa inaad naga hesho jawaabo sax ku ah su’aalhaaga.
Xaashiyahayaga tilmaamaha ayaa kaa gargaari fahamka sida uu habsocodka dugsigu u shaqeeyo, iyo sida aad u gargaari karto inuu ilmahaagu u guulaysto.
Waxa kale oo aanu leenahay beel waalidiin ah oo kaga jawaabi kara Ingiriisi dhammaan noocayada su’aalaha iyo khad taageero oo telefon bilaasha oo Ingiriisi ah 1-888-534-3944. Waxaan nahay Dadka Waxbarashada ‘People for Education’, urur madaxbanaan oo ka shaqeeya taageerista waxbarashada dadweynaha ee Ontario.
Tibaaxyo ka gargaaraya waalidiinta fahamka nidaamka waxbarashada:
Bilaabista Dugsiga
Bilaabista dusgigu waa tallaabo xiiso u leh nolosha ilmaha, oo waxaad hubaal haysaa su’aalo badan. Tilmaantan waxay adiga iyo ilmahaaga ka gaegaari doontaa u-diyaarinta ilmaha dugsiga xanaanada iyo Fasalka 1.
Kuma Ayaa Waxaas Qabta Waxbarashada Dhexdeeda
Markaad u baahato macluumaad, waa muhiim inaad taqaan qofka aad kala hadalayso gargaarka. Waa maxay doorka Wasaaradda Waxbarashada, guddiga dugsiga, dugsiyada iyo koonsilada dugsigu? Xaashidan tilmaamaha ayaa kaa gargaari doonta fahamka cid walba waxa ay qabato habsocodka waxbarashada Ontario.
Waraysiyada Waalidka-Macalinka
Waraysiyada waalidk-macalinka dhexmaraa waa fursad fiican oo aad kula kulmaysid macalinka ilmahaaga si aad wax badan uga ogaato sidu ilmhaagu u shaqeeyo dugaiga dhexdiisa. Xaashidan tilmaanta ah waxay ku tusaysaa sida loogu diyaar noqdo oo 3 tallaabo ah.
Shaqo-guri
Hal ha boo lagu caawin karo ilmaha waa taageerad marka ay qabanayaan shaqo-guri. Xaashidan tilmaamuhu waxay ka jawaabaysaa su’aalo badan oo ku sa’absan shaqo-guriga oo waxay idin siin dontaa fikrado badan oo waxtar leh!
Casharada Dugsiga Sare iyo Xulashooyinka
Markuu ardaygu bilaabo dugsi sare, waxay leeyihiin xulashooyin badan oo ay qaadan karaan. Waalidiinta iyo ardayda badi culays badan ayaa ka fuula qaadashada go’aanka saxa ah. Xaashidan tilmaamuhu waxay bixinaysaa macluumaad badan oo ku sa’absan noocyada kala duwan ee casharada iyo meelaha ay ku aaddan yihiin.
Xallinta Dhibaatooyinka Dugsiga Dhexdiisa
Marka aad hayso su’aalo ama danayn la xidhiidha waxbarashada ilmahaaga, waxa laga yaabaa inaanad garanmayn cidda aad la hadasho. Xaashidan tilmaamuhu waxay ku siinaysaa habsocodka xallinta dhibaatooyinka oo tallaabo-tallaabo ah.
Waxbarashada Gaarka ah
Ardayda qaar ayaa u baahan taageero dheeraada oo ay ka helaan barnaamijka waxbarashada gaarka ah si looga gargaaro ku-guulaysiga dugsiga. Xaashidan tilmaamuhu waxay sharxaysaa habsocodka hubinta in ardaydu hesho gargaarka ay u baahan yihiin.
Imtixaamista EQAO
Dhammaan ardayda Ontario waxay qaataan imtixaano gobolka oo dhan ka dhaca noo ah akhriska, qoraalka iyo xisaabta fasalada 3 iyo 6, iyo xisaabta fasalka 9 iyo akhriska iyo qoraalka fasalka 10. Xaashidan tilmaamuhu waxay kaa gargaari fahamka imtixaanadaas, iyo sidaad ugu gargaari lahayd u-diyaargarowgooda.
Akhlaaqda Dugsiga Dhexdiisa: Fahamka Xeerka Ammaanka Dugsiga
Ontario waxay leedahay siyaasad rasmi ah sida ardaydu u dhaqmayaan dugsiga dhexdiisa. Xaashidan tilmaamuhu waxay sharxaysaa habsocodka anshaxa iyo waxa dhacaya haddii ilmaha la soo cayriyo ama eryo.
Dadka ku nool jiidda Toronto:
Barnaamijyada Ingiriisida ka Luqad Labaad Ahaan
Ardayda qaar ayaa ku cusub Canada oo u baahan gargaar barashada Inigiriisida. Xaashidan tilmaamuhu waxay kaa gargaari fahamka baraanmijyada jira gudaha Toronto ee taageeraya ardaydaas.
Barnaamijyo Taageero Ardayda Rafanaysa
Marmarka qaar, ardaydu waxay ku raftaan dugsiga. Xaashidan tilmaamuhu waxa ku yaal macluumaadka barnaamijyada jira Ontario ee siin kara taageero dheerad ah ardaydaas.
Helpful links:
Downloads
- Tips for Parents: Behaviour at School: Understanding the Safe Schools Act – Somali (pdf)
- Tips for Parents: EQAO Testing – Somali (pdf)
- Tips for Parents: ESL Programs in Toronto – Somali (pdf)
- Tips for Parents: High School Courses and Choices – Somali (pdf)
- Tips for Parents: Homework – Somali (pdf)
- Tips for Parents: Parent-Teacher Interviews – Somali (pdf)
- Tips for Parents: Solving Problems at School – Somali (pdf)
- Tips for Parents: Special Education – Somali (pdf)
- Tips for Parents: Starting School – Somali (pdf)
- Tips for Parents: Support Programs for Toronto’s Struggling Students – Somali (pdf)
- Tips for Parents: Who Does What in Education – Somali (pdf)
